allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

AQRISO Liiska Xildhibaanada iyo shaqsiyaadka Taabid Cabdi u iibiyay gaadiidka aan rasaasta karin, kuwa bil kasta laga biilo lacagta Gobolka Banaadir iyo ujeedada laga leeyahay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa bilaabay inuu gawaari u iibiyo qaar ka mid ah nabadoonada, shaqsiyaad siyaasadda ku dhex jiro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay ku soo waramayan ilo wareedyo muhiim ah Taabid Cabdi Maxamed Duqa Muqdisho oo awood dheeri ah leh isla markaana aysan jirin cid kula xisaabtanto hantida Gobolka Banaadir oo sida uu doono ka yeela ayaa shaqsiyaad laga wada yaqaano magaalada Muqdisho u iibiyay waxaana ka mid ah dadka aan xil ka haynin Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ee Baabuurta u iibiyay Xasan Xundubay oo horey BBC da ugu soo shaqeeyay haatan ka mid ah shaqsiyaadka difaaca dowladda siyaasadaheeda ma dhalayska ah.

Waxaa ka mid ah oo liiska ku jira Xildhibaanad Sagal Isaaq Biixi, waxaa loo iibiyay gaari, Cabdishakuur Cali Mire, Xildhibaan Xuseen Iidow, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo shaqsiyaad kale, baabuurta qaarkod ayaa ah kuwa aan rasaasta karin halka kuwana ay caadi iska yihiin.

Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu musuq maasuq badan dalka,dhaqaalaha Gobolka waxaa lagu degan yahay Hotelada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Jaziira oo ah halka ugu badan oo dadka taageersan dowladda degan yihiin.

GAARIGA FAHAD YAASIIN AGAASIMAHA MADAXTOOYADA LOO IIBIYAY LAGANA BIXIYAY LACAGTA GOBOLKA BANAADIR

MID KA MID AH GAWAARIDA LACAGTA GOBOLKA BANAADIR LAGA BIXIYAY

INTAAS KALE MA AHA waxaa jira dhalinyaro badan iyo shaqsiyaad kale oo lacagta gobolka banaadir laga biilo kuwaas oo uu ka mid yahay Awliye ninka lagu magacabo kaas oo degan Hotelka Jaziira, waxaa ku jira liiska Idaacadaha Muqdisho iyo xubno ka tirsan nabadoonada degaanka oo ay ka mid yihiin C/llaahi Geedi Shadoor,Maxamed Xasan Xaad, Ahmed Diiriye iyo xubno kale, waxaana la siiya lacag joogta ah si ay u difaacan Siyaasadaha Farmaajo iyo midka Gobolka banaadir.

Shaqaalaha Gobolka Banaadir gaajo ayay la rafaadsan yihiin, mana qaadan wax mushaar ah 3 bilood sida ay sheegayan wararka aynu ka helayno Magaalada Muqdisho.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 7 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented