allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAAWO VIDEO C/WELI GAAS”Dowladda Federaalka waxay burburinaysaa Galmudug,Waxay taageertan tiro yar oo Xildhibaano ah,

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan dhexdhaxaad ka ahayn khilaafka Khaliijka balse ay raacsan tahay fikirka Dowladda Qadar.
Dowlada naftigeeda dhex dhexaad kama ahan arintan ee Qatar ayay la dhinac tahay, anaguna maba naqaano kuwaas”ayuu yiri C/Weli Gaas.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay talaabada ay dowlada ku bur burineyso maamul goboledyada gaar ahaan Galmudug State.

”Tiro yar oo xildhibaano ah ayaa shiray oo dhahay xilka waan ka qaadnay madaxweynaha, dowladana waa taageertay, waxaas ma ahan wax loo baahan yahay oo masuuliyadnimo ah”ayuu yiri Gaas oo u careysan talaabada dowlada.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay in dowlada Soomaaliya ay Itoobiya u gacan gelisay C/Kariim Sh Muuse Qalbi dhagax, waxaana uu ku tilmaamay talaabo ay dowladu ku fashilantay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 29 2017. Filed under Maqal & Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented