allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DIGNIIN LOO JEEDIYAY Xildhibaanada Fasax la’aan iska dhoofa

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga digay Xildhibaanada safara u aada dibadda ee aanu Guddoonka ka warqabin.

Waxaa uu sheegay in Safarada badan ee Xildhibaanada ay dhibaato ku keentay kulamada Baarlamaanka ee caadiga ah, isla markaana illaa boqol Xildhibaano ay safaro ku maqan yihiin dibadda.

“Xildhibaan bixi karo ma jiro, isaga aanan Guddoonka fasax ka qaadan, ha yiraahdo howshaas ayaa u socdaa, si looga warqabo, hada boqol Xildhibaan ka badan ayaa maqan oo aanan ka warqabin ujeedada ay u maqan yihiin”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Maqnaanshaha Xildhibaanada ayaa waxaa saameyn ku yeelatay kulamada qaar ee Baarlamaanka oo kooram la’aan u baaqday.

Ugu dambeyn Guddoomiye Jawaari ayaa xildhibaanda xusuusiyay shaqadooda, waxaana uu tilmaamay in ay ka turjumayaan shacabka oo ay saaran tahay mas’uuliyad, sidaas darteedna aanan loo baahneyn in ay danahooda gaarka ah fiirsadaan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented