allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Dhageyso: Alshabaab oo shaacisay inay dilayaan Sheekh C/weli Sheekh Cali

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay khaarijinayaan Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare oo lagu eedeeyay in gudaha asbucaani uu u gafay Nabi Maxamed NNKH.

Horjoogaha maleeshiyaadka ugu magcaaaban Gobolka Mudug, Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan, oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad uga naxeen kadib markii ay is barbar dhigeen muuqaalo kala duwan oo uu duubay Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Waxa uu Horjoogaha sheegay in falka uu ninkaasi ku kacay ay ka argagaxeen shacabka Somaliyeed, ayna tahay arrin aan horey loo arag, loona maqal, islamarkaana aan uga dhicin Somaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan, ayaa tilmaamay inay iska cadahay muuqaalka uu gafka ku galay Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare isla markaana aanu is dhaafin karin khaladka uu ku kacay, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu Horjoogaha Alshabaab ee Gobolka Mudug Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan, sheegay in xukunka ninkani uu yahay dil isla markaana ay waafajin doonaan waxa uu sharciga qabo, sida uu yiri.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Laba xukun meesha ma yaallaan, Kitaabka Ilaahay ninkaa wuu xukumay, wuxuuna ku xukumay gaalnimo iyo dil.”

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented