allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Arrinta Qalbi-Dhagax ma fadeexaddii “Watergate” ee Somalia bay noqotey?

Haddii baarlamaanku u codeeyo in xilka laga qaado madaxa dawladda falkii uu kula kacay Qalbi-Dhagax awgiis oo sida la sheegay lagu bedeshay maxaabiis u badan qabiilka raysal wasaaraha oo Itoobiya soo deysyey, taasu waxay noqoneysaa markii ugu horreysey ee Afrika xilka looga qaado hogaamiye dawladeed dembi uu ka galey shakhsi muwaadin caadiya ah oo suuqiisa maraya.
Dhanka kale, waxay noqoneysaa talaabadii ugu weyneyd ee sharci Afrika ka jiraa uu qaado muddo dheer, marka malaha laga reebo xukunkii ay maxakamadda Kiiniya ku baabi’isey doorashadii madaxweynaha ee dalkaas. Taas oo fajaciso ku noqotey adduunka, sababtoo ah lama fileyn in sharciga Afikaanku uu gaarey heer biseyl oo uu kaga daba tegi karo, ama xitaa xukun dhexdhexaad ah ka soo saari karo arrin siyaasadeed oo weyn sida doorasho la go’aamiyey inuu ku guuleystey hoggaamiye magac leh oo qabiil xoog leh ka soo jeeda oo kursigii fadhiya oo awoodii waddanka iyo dhaqaalihii weli gacanta ku haya.

Taasoo kale waxay dhacdey markii madaxweynihii Maraykanka ee la oran Rijaardh Nigsan (Richard Nixon) uu shaqadii isaga casiley ka dib markii lagu cadeeyey inuu been u sheegay dembi-baarayaaal federaala ah oo baarayey arrin ku saabsan xafiis uu leeyahay xisbiga mucaaradka oo la jabsadey si loogala baxo sir.

Haddaba arrinta maxbuusku been madaxweyne sheegay way ka culus tahay, waayo waxa la jebiyey xeerar badan sida xuquuqda qaxootiga, xaqa dacwadda iwm. Waxa la sameeyey gacan-gelin aan maxakamad loo marin (extrajudicial rendition).

Su’aashu waxay tahay, dawladda dhexe ma oggolaan kartaa in qabiilba qabiilka kale qofkii wadada maraya qabsadaan (mob justice) si ay xiriir fiican ula yeeshaan Itoobiya? Waxa yaab noqotey in markii qofkii Xamar la geeyey ay dawladdii dhexe raacdey go’aankii qabiiliga ahaa! Taasu waa dib u noqosho weyn iyo fowdo hor leh oo ay hoggaan ka yihiin madaxda dawladda ugu sarreysa.

Dawladdu waxay ku doodeysaa in maxaabiis itoobiya soo deysey. Haddaba maxaabiistaas waa qabiilkee? Awooddii dawladda “dhexe” ma waxa loo isticmaalayaa in maxaabiis qabiilada awoodda haysta ah lagu bedesho maxaabiisa aan la jecalyan oo loo arko daciif?

Ma jiro dembi qaranka Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn in hogaamiyaha dawlada ugu sarreeya uu taageero qabyaalad caddaan ah, oo isagoo qabiil-nacayb hurinaya uu qof reer hebel ah ku bedesho maxaabiis qabiilkisa ah.

Waxaa la rabaa in Baarlamaanku sharciga ilaaliyo oo uu muujiyo inuusan jirin qof sharci-darro ku shaqysan kara laga bilaabo madaxweyne ilaa askari. marar badan baa laga cowdey madax Soomaali ah oo amar-ku-taagleyn iyo keli talis dad ku dhibaateeyey. Tiibaa maanta taagan. Yaan haddeer inta laga yeelo hadhow meelahaas laga ooyin!

Dadka waxaa lagu qanciyaa dawladdu waa daciif. Laakiin Sharciga oo la xoojiyaa waa talaabadii ugu horreysey ee dawlad xoog leh oo lagu kalsoon yahay.

Sharciga oo la xoojiyaa waxay kale oo joojineysaa codsiyada quursiga leh ee dawladaha qaarkood u soo gudbiyaan soomalida iyagoo aaminsan in Soomaalidu yihiin dad la liido oo aan waxba isku falin oo wixii la rabo laga fushan karo haddii madaxdooda dano dhaqaale ama qabiil loo sheego.

Ugu dambeystii, su’aashu waxay tahay, baarlamaanka Soomaaliya ma qaadi karaa talaabadii ugu weyneyd ee sharci ee Afrika ka dhacda abid, si ay tusaale ugu noqoto madaxda Soomaalida iyo kuwa Afrikaanka iyo caalamkaba. Kuwa hadda jooga iyo kuwa soo scodaba.

W/Q: Saleebaan Jaamac

Jsaleebaan3@gmail.com

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 14 2017. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented