allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

BANNAANBAX XUKUUMADDA SOO ABAABUSHAY oo rasaas lagu kala eriyay

Dibad baxayaal taageersanaa Xukuumadda oo maanta isugu soo baxay waddooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa rasaas lagu kala eryay, kaddib markii ay isku dayeen inay ku hor-banaan baxaan Xarunta golaha shacabka, halkaasoo ay ku kulansan yihiin Xildhibaanada.
Dadka dibad baxayay oo isugu jiray haween, iyo carruur ayaa watay sawirada Madaxda dowladda iyo boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan, waxaa badankood ay ka soo baxeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Waabari iyo Howlwadaag.

Ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka iyo hareeraheeda ayaa dadkan rasaas cirka ugu riday, si ay u kala eryaan, kaddib markii ay soo gaareen dalcada Taalada Sayidka oo ku dhow xarunta Golaha shacabka.

Qaar ka mid ah dibad baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada ay rasaas ku kala eryaan, isla markaana ay taageersan yihiin Xukuumadda, ayna ka soo horjeedaan in Xukuumadda laga keeno mooshin.

Waa markii u horeysay banaan baxayaal taageersan Xukuumadda ay kala eryaan Ciidamada, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala xarunta golsha shacabka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented