allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA oo Guddi u saaray kiiskii Qalbi Dhagax kadib dood saaka ay galeen Xildhibaanada

Doodii Cabdikariin Qalbi Dhagax ee saaka ka bilaabatay aqalka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la soo afjaray, kadib markii dood kulul dhex martay labada garab ee kala taageersan Qalbi Dhagax iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Markii ay hadleen in ka badan 30 Xildhibaan ayaa Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in loo saaro guddi ka kooban, Guddiyada Xuquuq Aadanaha, Dastuurka iyo kuwa kale.

Sida la filaya Xildhibaanada taageersan Xukuumadda ayaa ku han weynaa in guddi loo saaro arrinta Qalbi Dhagax.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented