allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

BAARLAMAANKA oo fadhi xasaasi ah ka yeelanaya maanta kiiska Qalbi Dhagax iyo waxaa laga filan karo

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta xaruntooda ku yeelanaya kulankii caadiga ahaa, waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan arrinta Cabdikarim Qalbi-dhagax oo muran ka dhex dhalisay Xukuumadda, Madaxtooyada oo hal dhinac iyo Baarlamaanka  oo qaarkood arrintaas ka careysan.
Arrinta Qalbi-dhagax ayaa noqotay mid hareysay ajendayaasha labada aqal maalmuhii ugu dambeysay, waxaan la filaa in maanta la guda-galo kadib markii uu Sabtidii baaqday.

Aqalka sare ayaa Isniintii go’aamiyay in ay dib-u-dhigaan ka doodista arrinta Qalbi-dhagax, kana war sugaan go’aanka iyo waxa ka soo baxa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa isha lagu wada haaya waxayna u badan tahay in Baarlamaanka uu guddi u saaro marka ay dhinacyada kala aragtida duwan dhageystaan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented