FARMAAJO waxaa qasab ku ah inuu dhiso Ciidamo bedela Amisom

0
13

General Thomas Waldhauser oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo looga fadhiyo in uu dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay dalka uga baxaan AMISOM.
Isaga oo ka hadlayey xarunta US Africa Command ee Stuttgart ayaa sheegay in bixitaanka AMISOM laga hadlayey in muddo ah, oo ay maalin iman doonto, Laakin waxaa uu intaasi raaciyay in ay ku xiran tahay sida dowladda Soomaaliya u dhisto ciidamada qalabka sida.

Arrintan ayaa waxaa ay timid kadib markii uu dalka Kenya ka bilowday muran ku saabsan joogitaanka ciidamadeeda ee dhulka Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru waxaa uu aad u taageersan yahay in ay ciidamada sii jiigaan tan iyo inta Soomaaliya ka dhisaneyso ciidamo awood leh halka Raila Odinga uu doonayo in hadda la saaro.