allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

ABSHIR BUKHAARI oo halis geliyay nolosha 11 Xildhibaan ee u codeeyay in dib loo dhigo ka doodista kiiska Qalbi Dhagax, Magacyadooda ayuu…..

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa la xaqiijiyay inuu hoos ka siiyay saxaafadda Magacyada Xildhibaanada aqaalka Sare ee maalintii shalay u cadeeyay in ajandaha ku saabsanaa Cabdikariin Qalbi Dhagax dib loo dhigo, arrintaas oo halis gelinaysa amaanka xubnaha aqalka sare.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) maadama uu ka mid yahay Guddoonka aqalka Sare isla markaana liiska codeeyay gacanta ku haayay ayuu si fudud ugu gudbiyay qalabka Warbaahinta magacyada Xildhibaanada u codeeyay in kiiska Qalbi Dhagax dib loo dhigo.

Magacyada Xildhibaannada Diiday in Arrinta Qalbi-dhagax Laga Doodo:

Ayuub Ismaciil Yusuf
Iftin Xasan Mursal
Xuseen Cali Xaaji
Cabdisalaam Xaaji Maxamed
Saciid Cabdi Xuseen
Yusuf Geelle Ugaas
Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex
Axmed Cabdi Xafid Maxamud (Bulsho)
Cabdi Axmed Dhuxulow
Zamsam Ibrahim Cali
Fartun Cabdiqadir Karaama
Deeqa Xasan Xuseen
Axmed Cabdi
Abokar Axmed Xaashi
Timiro Maxamed Cali
Naciimo Ibrahim Yusuf
Jawaahir Axmed Cilmi
Cabdullahi Cabdi Garuun
Bootaan Barre Bootaan

Waxaa jiray 2 Xildhibaan oo horay aan ugu jirin Liiska Senatorada ku doodayey in  aan laga hadlin Arrinta Qalbi-dhagax balse ku biiray liiskaas markii codka la geliyay…Labadan Xildhibaan waa:

Xasan Faarax Xujaale
Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille.
Dhinaca kale, waxaa jiray Xildhibaanno aqalka sare ka tirsan oo aad u jeclaa in laga doodo dhiibista xukuumadda Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax, Xildhibaannada oo 11 ahaa waxaa looga adkaaday codbixintii la qaaday.

Magacyada Xildhibaannada Taageersanaa In Laga Doodo Dhiibista Kheyre ee Qalbi-dhagax:

Muuse Suudi Yalaxow
Maxamed Amiin Shiiq Cusmaan
Muna Cumar Xasan
Axmed Xaashi
Nuuro Faarax Jaamac
Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)
Maxamed Xuseen Raage(Surwaal-weyne).
Mustaf Maxamed Qoodax
Cabdikarim Maxamed Xasan
Cabdirisaq Axmed Ibrahim
Cusmaan Axmed Macow

Xildhibaannada ka Ammusay oo 4 ahaa waxaa ka mid ahaa:

Cabdillahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Maxyudin Sheekh Cali Jaamac,
Ilyaas Cali Xasan
Zamsam Daahir Maxamud

Khabiir dhinaca amaanka ayaa sheegaya in Abshir Bukhaari halis geliyay amaanka Xildhibaanada taasina keeni doonto in gudaha aqalka sare ka dhacaan is aaminaad la’aan iyo in laaamaha amaanka la isla aado.

Xildhibaanada waa kala aragti duwanaan karaan qof walba meel ayuu aaminsanaan karaa laakiin ma aha mucaaradnimadaada iyo kursiga guddoonka aad ku fadhida inaad uga faa’ideysato oo liisaska hoos ka gudbisid, sababta guddoonka lagugu doortay waxay tahay inaad shirarka iyo maamulka u hogaamiso balse tan oo kale waxay keenaysa in laga aamin baxo Abshir Bukhaari.

Abshir Bukhaari ayaa aad ugu kacsan Xukuumadda Soomaaliya tan iyo maalintii Ra’iisal Wasaare loo magacabay Xasan Cali Kheyre.
Waxaa xaaran ah in Docomentiyada iyo codadka haa iyo maya dadka codeeyay magacyadooda banaanka loo gudbiyo iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah waxayna taasi keeni kartaa in dad badan naftooda la dhaafsiyo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 12 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented