allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SHAQOOYINKII XUKUUMADDA WAXAA CURIYAAMIYAY Xiisada Siyaasadeed ee dalka ka taagan tahay, Labada aqal oo iyagana ku dhex milmay Kiiska Qalbi Dhagax

2 Toddobaad ka badan shaqooyinkii Xukuumadda waxaa curiyaamiyay xiisada Siyaasadeed ee dalka ka jirta iyadoo xubnaha Golaha Wasiirada ku mashquulsan yihiin sidii ay isaga difaaci lahaayan culeyska siyaasadeed ee uga yimid labada aqal.
Wax shaqo ah lama qabin, dhinacyada Siyaasadeed ee dalka sida Xukuumadda, labada aqal Baarlamaanka iyo Aqalka sare midna ma gudan waajibaadyadii iyo shaqooyinkii caadiga ahaa ee ay qaban jireen waxay howlahooda ku soo koobameen ka hadalka kiiska Cabdikariin Qalbi Dhagax oo Dowladda ku wareejisay Dowladda Itoobiya.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda gaar ahaan wasaaradda Arrimaha gudaha oo saaka la hadlay ayaa ii sheegay inay iska tagaan xafiiska balse wax shaqo aysan jirin keliya la iska fadhiyo xafiiska.

Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Aqalka Madaxtooyada ayaa waxay ku mashquulsanaayan labadii toddobaad aynu soo dhaafnay sidii ay u kala fur furi lahaayan xubnaha mucaaradka ah ee isku urursanaya Baarlamaanka kuwaas oo ujeedo kala duwan leh balse kulmisay oo keliya arrinta Qalbi Dhagax oo ay jid mar ka dhiganayaan.

Xukuumadda maanta oo Isniin ah waxay ka hortagtay in aqalka sare uusan ka doodin ajandaha Guddoonka shaaciyan shalay oo ahayd kiiska Qalbi Dhagax.

Sidoo kale Xukuumadda waxay ku mashquulsan tahay kala furfurka xubnaha kacdoonka ka keenay kiiska Qalbi Dhagax waxayna ku dadaalaysa in tiro looga hor imaan karin qorshaheeda ka dhex sameysato gudaha Baarlamaanka.

Si kastaba wax shaqo ah oo dalka ka socda ma jiraan wax kastaa istaagan waxaa cawa iyo maalin lagu dadaalaya in la fashilo kooxaha isku baheysanaya mucaaradnimada Xukuumadda.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented