allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweyne hore oo dalasho la’aan noqday

Madaxweynihii hore ee dalka Georgia, Mikheil Saakashvili, ayaa ku guulaystay inuu ka tallaabo soohdinta ay Poland la wadaagto wadanka Ukraine, oo sanadihii dambe saldhig u ahaa, balse dhawaan kala laabatay dhalasho uu siiyay.

Saakashvili ayaa shalay laba goor laga horjoogsaday inuu galo dalka Ukraine.

Mikheil Saakashvili ayaa waddan la’aan ahaa tan iyo markii uu madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko kala laabtay dhalashadii uu siiyay.

Xukuumadda Kiev ayaa ku eedaysay Saakashvili oo mar madaxweyne ka ahaa dalka Georgia inuu ka been sheegay macluumaadka codsigiisii dhalashada Ukraine.

Saakashvili ayaa waayay dhalashadiisii Georgia markii uu qaatay baasaboorka Ukraine, maadaama dastuurka dalka uu hogaamin jiray aanu ogoleyn in muwaadiniintiisa ay qaataan laba dhalasho.

Mikheil Saakashvili oo garab ka helaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Ukraine, ayaa doonaya inuu dacwad kusoo oogo madaxweyne Poroshenko, uuna maxkamadaha dalkaasi ka furo kiis ka dhan ah dhalashada lagala laabtay.

Madaxweyne Poroshenko ayaa horay Saakashvili ugu magacaabay barasaabka gobolka ku yaal koonfurta Ukraine ee Odessa, balse waxa uu xilkaasi iska casilay sannadkii hore, asagoo madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka horjoogsaday la dagaallanka musuq maasuqa.

Ka dib waxa uu samaystay xisbi siyaasadeed oo yar.

Dhanka kale dowladda Georgia ayaa doonaysa in loo soo gacan geliyo Saakashvili oo ay ku eedaysay ku takri fal awoodeed iyo musuq maasuq, eedaymahaasi oo uu beeniyay kuna tilmaamay kuwo ay siyaasadi ka dambeyso.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented