allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

ISBAARADA KA QAADA BARLAMAANKA HAWLIHIISA

Xilibaan Axmed Macalin Fiqi oo horay usoo noqday agaasimaha Hay’ada Nabad Sugidda Soomaaliya, ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku dhaliilay ineey caqabad ku tahay in Baarlamanka ay Howlahooda si hufan u gutaan.

Halkan ka aqriso qoraal uu xildhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebooka:

Kor-joogtaynta & la xisaabtanku waa awood ay leeyihiin kuwa matala shacabka (Barlamaanka) kuwaasoo kor-joogtaynaya hawlaha xukuumadda (Golaha Fulinta) ayadoo la adeegsanyo mid ka mid ah hababka sharciga ah ee uu siinayo dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan, si loo hubiyo in golaha fulintu uu hawlihiisa u gudanayo si waafaqsan qaabkii barlamaanku ugu ansixiyey, dastuurka dalka iyo maslaxadda guud ee umadda.

Hadaba ayadoo la ixtiraamayo mabda’ kala soocidda awoodaha hey’adaha kala duwan ee dawladda, lana dhowrayo kala duwanaansha hawlahooda, waxaa soo ifbaxeysa maalmahaan danbe in goloaha fulinta Soomaaliya illaa iyo intii lugaha loo galiyey danbi aysan qeyb ka ahayn, si awood ahna looga saxiixay go’aanno aysan ku qanacsanayn intooda badan, in ay faraha kula jiraan cuuryaaminta hawlaha golayaasha sharci-dejinta iyo hor-istaagga qabsoomidda shirarkii hey’adahaas, taasoo dhaawaceysa dawlad wanaagga iyo hanaanka dimuqraadiga casriga ee hey’adaha dawladdu u xisaabtamaan, una ekeysiinaysa dalku inuu galay gacan kali-talisnimo.

Xadgudubkii lagu sameeyey muwaadin Qalbi-dhagax, oo gef aheyd, waxaa ka danbeeyey go’aanno xambaarsan gef ka weyn, ayadoo haddana la isku dayayo in la hor-istaago hawlihii labada aqal ee barlamaanka oo doonaya in laga doodo oo kaliya qaabkii xukuumaddu ula macaamishay arrinta dhibbane Qalbi dhagax iyo go’aanadii ay ka soo saartay, haddii ay yihiin kuwo ku qotoma sharci iyo in kale. haddii xukuumaddu waxa ay sameysay ay kalsooni ku qabto, ha ka hor-wareegiso isbaarada u taalla barlmaanka hortiisa si hawlaha dastuuriga ah ay xildhibaanadu u gutaan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented