allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Dagaalka Beled Xaawo oo uu u jihaystay dhanka Mandheera

Dagaal culus ayaa aroortii hore ee Isniinta ka qarxay magaalada Beled Xaawo, siday sheegeen goobjoogayaal, Dadka degaanka ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab oo adeesanaya baabuur walxaxa qarxa laga soo buuxiyay ay ku soo qaadeen weerar saldhig militeri oo ku yaalla bariga magaalada.

Qaraxa kaddibna waxaa magaalada ka billawday dagaal culus oo ku fiday bartamaha magaalada.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay gebi ahaanba la wareegeen magaalada.

Balse warkaas si madaxbannaan looma xaqiijin karo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalku uu u jihaystay dhanka magaalada Mandheera ee ay xadka leeyiihin.

Taliyaha booliiska Mandheera, Frederick Shisia ayaa xaqiijiyay in booliiska Kenya iyo Al-shabaab ay rasaas is waydaarsanayaan.

Maammulka Jubbaland weli kama uusan hadlimn dagaalka Beled Xaawo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented