Aqalka Sare Oo Maanta Go’aaminaya Sax Iyo Qalad Ahaanshiyaha Go’aankii Lagu Dhiibay Qalbi-dhagax

0
21

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ajendaha Aqalka sare kulankaooda maanta,  go’aan ka gaari-doonaa sax iyo qalad tillaabadii Laamaha amaanka, Villa Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada ku dhiiben Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi  ayaa xaqiijiyay in arrinka Qalbi-dhagax ay tahay ajendaha ugu horreeya ee golaha, lagana doodi-doono qaabka ay u dhacday gacan-gelintii Qalbi-dhagax.

Warar ku dhaw kulanka guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ayaa  sheegay in Xildhibaannada isku ballansadeen kulanka maanta in aan laga baaqan, isla markaana aan loo baahneen in loo yeero wax xukuumadda federaalka ah ee Xildhibaannada keliya ay ka doodi-doonaan.

Arrinta mar haddii ay ku saabsan tahay arrimo la xiriira dastuurka iyo meel-ka-dhac lagu sameeyay qodobadiisa, xeerarka caalamiga ah oo lagu tuntay iyo sharciyo la sheegao in Qalbi-dhagax lagu dhiibay, arrimaahaasi oo dhan waxaa ay qeyb ka yihiin shaqada aqalka sare.