allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

VILLA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO la kala saari weynsan yahay, Hadalkii Farmaajo ku yiri Itoobiya markii lagu wareejiyay Qalbi Dagax oo haatan soo shaaca baxay

Sirdoonka Itoobiya ayaa wax badan ku qaadan inay saameyn ku yeeshan go’aanada Siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka qaato falka isagoo had iyo jeer la tashiyo siyaasadeed la sameeya Itoobiyanka.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Villa Soomaaliya ayaa u sheegay in Madaxweynuhu Itoobiya ku yiri ma iga sugaysan inaad qaato go’aanka aan Qalbi Dhagax ku soo wareejiyay, ma iga sugaysin inaan dhageysan waayo baaqyada siyaasadeed ee ka imaanaya bulshada soomaaliyed, waxaan qaatay go’aan uusan weligiisa qaadan Madaxweyne Soomaaliyed, waxaad tihiin saaxiibada Qaranka Soomaaliyed.(Hadaladan ayuu Madaxweynuhu ku yiri qadka Telefoonka markii uu la hadlayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya).

Danjire Itoobiya u fadhiya Magaalada Muqdisho Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah nin Soomaali Itoobiyan ah ayaa ku dhex milmay Villa Soomaaliya iyo laanta Sirdoonka Soomaaliya isagoo gacan saar wanaagsan la leh Sanbaloosha Taliyaha Nabad sugida Qaranka, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo Lataliyaha Madaxweynaha Gen Bashiir Goobe.

Mid ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada ayaa ii sheegay in muddo 4 sano ah oo uu halkaas jooga uusan weligiisa arkin diblomaasiyiinta Itoobiyan oo sidan ugu dhex wareegayan Villa Soomaaliya.

Farmaajo iyo Teamkiisa ayaa maalmihii koowaad ee xafiiska iska dhigayay kuwa Itoobiyanka iska fogeynaya hase yeeshe haatan waxaad moodaa in xiriirka ka dhaxeeya Farmaajo iyo Itoobiyanka uu soo dhisnaa muddo fog.

Itoobiya iyo Villa Soomaaliya waxay iskala shaqeynayan kala qeybinta Baarlamaanka oo horyaala ajanadaha siyaasadeed ee ah sababta Itoobiya loogu dhiibay Qalbi Dhagax.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented