allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO oo ballan uga baxay Golaha Wasiirada ,Shuruudna ka dhigtay inuu ka war sugayo Baarlamaanka, Shirqoolka Siyaasadeed uu adeegsaday….

Golaha Wasiirada ayaa tobbaadkii hore taageeray in Itoobiya lagu wareejiyay Cabdikariin Qalbi Dhagax isla markaana ONLF loo aqoobsado Urur Argigixiso ah , hase yeeshe go’aankaas ayaa waxaa uu daba socday balan dhex martay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre kaas oo ahaa in Madaxweynuhu marka Wasiirada bayaan ka soo saaran arrinta Qalbi Dhagax uu madaxweynuhu isna soo saari doono qoraal uu ku cayidayo go’aanka Golaha Wasiirada.

Hadaba Newsomali.com ayaa ogaatay in Madaxweyne Farmaajo ballantii uu ka qaaday Golaha Wasiirada ka baxay isla markaana ka meer meerayo inuu fuliyo ballan qaadkiisa ahaa inuu taageerayo go’aanka Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada ayaa awalba lagala tashan arrinta Qalbi Dhagax ee lagu wareejiyay Itoobiya hase yeeshe iyagoo Madaxweynaha culeyska ka qaadaya ayaa waxay dusha saarteen arrin halisteeda la socota taas oo haatan qalqal gelinaysa jiritaanka Xukuumadda.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo diiday in la soo xigto magaciisa sababo xaalada siyaasadeed oo dalka ka taagan ayaa ii sheegay in Madaxweynuhu gabi ahaanba balanta uga baxay Xukuumadda isla markaana Shuruud uga dhigay in marka hore Baarlamaanka ka war sugo sida uu xaaladan taagan u wajaho kadibna uu soo saari doona qoraalka.

Dadka ka faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxay leeyihiin haddii Baarlamaanka uu ogolaado arrinta Qalbi Dhagax uusan wax talaabo ah ka qaadan Xukuumadda in Madaxweynuhu markaas soo saari doono qoraal uu ku leeyahay dalka waxaa uu ka mideysan yahay Maslaxadiisa ah inaan la taageerin ama la magangelin madaxda Jabhada ONLF.

Haddii Baarlamaanka go’aan kaas ka duwan qaato Madaxweynuhu wuxuu dhihi doona dadkii qaladka galay waxaa la xisaabtamay Baarlamaanka sidaas darteed waa inaan horey u soconaa.

Si kastaba Madaxweyne Farmaajo ayaa hal dhagax labo Shimbir doonaya inuu ku dilo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented