allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO IYO XILDHIBAANADA BEESHA ABSAME oo is Macsalaameeyay habeenkii xalay ahaa, Maxaa dhacay?

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka soo jeeda Beesha Absame, sida ay  sheegayan wararka  in kulankan uu ku dhamaadeen is faham waa, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay soo jeediyeen in arrintan ay u taalo Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhageystay talooyinka iyo aragtida Xildhibaanada, isgaoo weydiinayay xalka meesha uu ku jiro.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku dooday in go’aanka Golaha Wasiirada ka qaateen arrinta C/kariin Qalbi Dhagax uu yahay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa shuruudo adag hor-dhigay Madaxda dowladda, kaasoo ka mid ahaa in laga laabto qodobo ka mid ah go’aanadii Golaha Wasiirada oo ay sheegeen inuu yahay Soomaali kala geyneysa.

Mid ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka qeyb qaatay ayaa sheegay  in Madaxweynaha ay la wadaageen dareenkooda, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid u taalo shacabka iyo Baarlamaanka.

Xildhibaanada Beesha Absame ayaa aad uga careysan go’aankii Xukuumadda qaadatay, iyagoo diiday xal ka gaarista arrintan iyo in xiisada dejiyaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu la soo xiriiray Xildhibaanada, si arrintan xal looga gaaro, loona dhameeyo.

Dhinaca kale Xildhibaanadan ayaa shalay gelinkii dambe la kulmay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulankooda uu ku dhamaaday is afgaran waa.

Madaxtooyada iyo Xukuumadda ayaa dadaal ugu jira inay xiisada dejiyaan, isla markaana Xildhibaanada ku qanciyaan go’aankii Golaha Wasiirada, lamana oga sida xaal noqon doono,

Si kastaba ha ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu go’aan ka gaaro go’aankii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax, maalinta berri ayay wararku sheegayaan in mar kale kulmi doonaan, kaddib markii kulankii shalay uu kooram la’aan u baaqday.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented