DAAWO SAWIRADA:Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Maanta Dhagax Dhigay Wadada Gen Daa’uud oo horey lacag loogu ururiyay dib u dhiskeeda lunsadeen Qaar ka mid ah Madaxda TVga UNIVERSAL

0
9

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqamagaalada Muqdisho Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa saaka dhagax-dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud oo isku xirta Taaladda Daljirka iyo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Taabid oo shir jaraa’id goobta ku qabtay ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa ay dhisi doonaan waddadan iyo dhammaan waddooyinka kale ee bur-buray.

Taabid Cabdi waxaa la magaacabay April 6, 2017, 5 bil kadib maalintaasi shaqada gobolka waxaa ay u socotaa si tartiib ah, weli lama magacaabin wax ka badan guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Waxaa jirta sanado ka hor lacago loogu talagalay dhismaha wadadan oo laga soo ururiyay Jaaliyadda Soomaalida UK la lunsaday, waxaana lagu eedeeyay in qaar ka mid ah Madaxda TVga UNIVERSAL Fadaxeexadaas ku lug yeeshan.