allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan degdeg ah ka yeelanaya dib u dhaca Doorashada Madaxweynaha

Baarlamaanka Hirshabeelle ee Baarlamaanka maamulkaasi ayaa maanta ka shiraya dib u dhigista Doorashada madaxweynaha Hirshabeelle

Guddiga Doorashada ayaa soo jeediyay in muddo 4 maalmood ah dib loo dhigo, si waqti loo siiyo howsha doorashada oo ciriiri soo galay, iyadoo lagu waday inay dhacdo 12-ka bishan Septembar.

Afhayeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Xildhibaan C/wali Sheekh Cali ayaa laga soo xigtay 16-ka bisha oo ku beegan Sabtida ay u qoondeeyeeen inay dhacdo doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta yeelanaya kulan degdeg ah, si ay u ansixiyaan codsiga Guddiga Doorashada, iyadoo ay magaalada Jowhar ay musharixiin iyo dad fara badan.

8 musharax oo u taagan doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ilaa iminka is-diiwaan geliyay, iyadoo qaar kale la filayo inay tagaan magaalada Jowhar.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented