allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

AQALKA SARE oo Miiska soo saartay ka doodista sax iyo qalad dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax, VILLA SOOMAALIYA oo ku dadaalaysa inaan laga careysiinin Itoobiya oo…..

Labada Aqal ee Soomaaliya midka kore iyo midka hoose ayaa maalinta beri waxay ka mideysan ajandaha siyaasadeed ee maalmihii ugu dambeeyay qabsaday Soomaaliya waana arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax oo Itoobiya loo gacan geliyay.
Guddiga joogtada aqalka sare oo maanta oo axad ah kulan isugu yimid xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa go’aansaday in Ajendahooda kulanka berri oo isniin ah uu noqdo ka doodista dhiibista xukuumadda Soomaaliya ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa xaqiijiyay in arrinka Qalbi-dhagax ay tahay ajendaha ugu horreeya ee golaha, lagana doodi-doono qaabka ay u dhacday gacan-gelintii Qalbi-dhagax.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhabarka u ridatay dhacdo afar qof keliya markii hore sameeyan oo ah in Cabdikariin Qalbi Dhagax loo gacan geliyo Itoobiya.

Gacan gelinta Itoobiya Qalbi Dhagax ayaa waxaa horseed ka ahaa Madaxweyne Farmaajo, Taliyaha Nabad sugida Qaranka Sanbalooshe iyo Lataliyaha Madaxweyne Gen Bashiir Goobe.

Arrinta mar haddii ay ku saabsan tahay arrimo la xiriira dastuurka iyo meel-ka-dhac lagu sameeyay qodobadiisa, xeerarka caalamiga ah oo lagu tuntay iyo sharciyo la sheegao in Qalbi-dhagax lagu dhiibay, arrimaahaasi oo dhan waxaa ay qeyb ka yihiin shaqada aqalka sare.

Xukuumadda Xasan Kheyre oo mar-marsiyo u raadineysa qaabka ay Cabdikarim Qalbi-dhagax ugu gacan-geliyeen Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdikarim Qalbi-dhagax uu xiriir lala lahaa xarakada Al-shabaab, iyaga oo dhaq-dhaqaaqa taariikhiga ah ee ONLF ugu yeeray koox argigixiso ah.

Haddii Baarlamaanka iyo aqalka Sare dhiibista Qalbi Dhagax qaadacan iyo In ONLF Argigixiso ahayn marka waxaa imaanaya in jiritaanka Xukuumada halis gasho, waxayna adag tahay in labada aqal ay dhageysan waayan baaqyada bulshada uga imaanaya ee ah in talaabada Madaxweynaha qaaday laga hor yimaado.

Si kastaba maalinta aqalka Madaxtooyada waxay xoogooda isugu geyn doontaa inaan Itoobiya laga careysiinin.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented