allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Somaliland oo canbaraysay Tacadiyada lagu hayo dadka Rohingya

Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa canbaaraysay qaabka ay xukuumada Myanmar ula dhaqmayso Muslimiinta Rohingya .

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina’aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay dowlada Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaarto dadka u baahan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobe in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee ku nool Myanmar.

Hadalka madaxwayne Siilanyo ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan qof ay ka qaxayaan dalka Myanmar.

Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 9 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented