KULANKII BAARLAMAANKA oo lagu kala tagay, Qorshe la diyaariyay oo dhaqan galay

0
10

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo lagu waday in looga doodo kiiska sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Itoobiya ayaa lagu kala tegay.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay inay soo xaadiri waayeen xildhibaanno gaaray kooram oo shirku ku furmi lahaa isla markaana markii la gaaray 11:00 subaxnimo ay xireen shirka.

Xildhibaannada ka horjeeda xukuumadda ayaa ku dooday in wadooyinka magaalada la xiray si loo xannbo inaysan xildhibaannada soo gaarin xarunta Golaha shacabka, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in kooram la’aanta ay tahay qorshe loogu talogalay oo taageerayaasha xukuumadda diyaariyeen si maanta loo hakiyo kulanka oo waqti kale loogu helo ololaha socda.