BAARLAMAANKA SOOMAALIYA oo maanta dood kulul ka yeelan doona Qalbi Dhagax iyo Go’aankii Xukuumadda Itoobiya ugu gacan gelisay

0
13

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u fariisana ka doodista go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ku dhiibtay ama u gacan gelisay dowladda Itoobiya Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa saraakiisha ONLF kaas oo bishii hore lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo isla markaana loo soo gudbiyay muqdisho kadibna lagu wareejiyay Itoobiya.

Arrinta Qalbi Dhagax oo Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxtooyada culeys siyaasadeed ku yeeshay isla markaana muddo ku qaadatay inay cadeyso in Itoobiya ku wareejisay Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa kala qeybsanaan ku reebay go’aankaas dadka soomaaliyed.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaarkood waxay difaacayan go’aanka xukuumadda halka qaar kale iyagana u arkay go’aankaas mid halis gelinaya jiritaanka dalka soomaaliya waxayna ku eedeeyan in xukuumadda ay sameysay qiyaano qaran.

Dhiibista Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa waxaa ka dambeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Taliyaha Nabad sugida Sanbalooshe iyo Lataliyaha Madaxweynaha Gen Bashiir Goobe.

Hadaba Fadhiga Baarlamaanka maanta ayaa isha lagu haaya lamana saadaalin karo natiijada ka soo bixi doonto fadhiga.