BAARLAMAANKA Cashar ma u dhigi doona Farmaajo iyo intii ku lug lahayd dhiibista Qabli Dhagax Itoobiya mise Maalin madow ayuu ka dhigi doonaa maalinta Beri

0
11

Sida aan la socono maalinta beri oo Sabti ah ayuu Baarlamaanka Soomaaliya ka doodi doonaa go’aankii ay Xukuumada Soomaaliya ka qaadatay C/kariin Sh Muuse ( Qalbidhagax). Dadwaynaha Soomaaliyeed si wayn ayey uga falceliyeen markii ay maqleen in Qalbidhagax loo gacan geliyey Dawlada Itoobiya.

Baraha Bulshada, Qalabka Warbaahinta kuwa la iska arko iyo maqlaba waxaa qabsaday arrinka Qalbidhagax, waa markii ugu horeysay ee ay maqlaan magaca Qalbidhagax.

Way cadahay in uu falceliska ku dhisnaa gacan gelinta muwaadin Soomaali ah loo gacan geliyey dawlad uu halgan kula jiray, Gacan gelinta muwaadin Soomaaliyeed waa halkii uu ka bilawday dagaalkii Hogaamiye kooxeedka iyo Maxkamadaha.

Dawlada waxaa fuulay cadaadis xoog leh oo uga imaanayey guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa taageerayeesha Madaxweyne Farmaajo oo ku xooganaa Barasha Warbaahinta Bulshada, Waxaa ku adkaatay taageerayaasha Madaxweynaha in ay rumaystaan in Madaxweyne Farmaajo uu qaatay go’aan caynkaas ah ama xitaa ay ka suurowdo in uu qaato, Sababtu way cadahay, Waa mida koowaade waa in Madaxweyne Farmaajo lagu doortay in uu yahay Wadani ay Soomaalinimadu ku wayn tahay. Tan labaad in xiligii doorashada uu isagu u taagnaa dareenka ka soo horjeeda Itoobiya oo fara gelin ba’an ku haysay doorashada, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu la tartamayey lagu suntay Saaxiib Itoobiya. Si uu dareenkaas u ilaaliyo ayuu Madaxweyne Farmaajo si wayn uga fogaaday in uu xiriir gaar ah la yeesho Itoobiya.

Taa ayaa keentay in taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo isku qanciyaan in sida wax loo sheegayo aysan u jirin, Dawladana laga war dhowro. Dawlada qudheeda markii ay aragtay diidmada dareenka Shacabka waxay isku dayday in suuqa geliso warar xaalad dejin ah, Waxaa wararkaas ka mid ahaa in Qalbidhagax uu wada hadal hoose kula jiray Dawlada Itoobiya, in uu isagu codsaday in uu Itoobiya aado, uuna arrinkaas warbaahinta ka sheegi doono.

Arrinkaas ma dhicin, maalmo badana way baxeen. Dawladii way ku adkaatay in ay sii aamusto,Dawlada dhexdheeda ayaa isku qabatay cida hadlaysa oo masuuliyada qaadaysa. Waa la isku mari waayey arrinkaas. Ugu danbayntii Golaha Wasiirada oo aan markii hore go’aanka shaqo ku lahayn ayaa masuuliyadii dhabar ka u ritay.

Waxaase lama filaan ku noqotay Shacabka Soomaaliyeed go’aankii Golaha Wasiirada ka soo baxay, Halkii ay gefka ka garaabi lahaayeen dadna xilkooda ku waayi lahaayeen ayey go’aankii taageereen, balse waxay ku sii dareen in ay Ururka ONLF aragagexiso ku sheegaan iyagoo qiil ka dhiganaya heshiis Beelo dagaalamay ku dhexmaray deegaanka Soomaaida ee xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya weli ma meel marin sharcigii Argagaxesida guud ahaan, mana jiro sharci ay cuskadeen in ay ONLF argagexiso tahay, Waxay Soomaaliya oo noqon lahayd dalka ugu danbeeya oo ONLF argagexiso u aqoonsada ka dhigeen kii ugu horeeyey. Siday suuragal ku tahay urur aysan IGAD, AU, AL, OIC, UN, EU u aqoonsan yihiin in uu xaq u dirir yahay ay Dawlada Soomaaliya u aqoonsato argagexiso.

Go’aanka Golaha Wasiirada waa mid ka maran cuskasho Dastuurka iyo Shuruucdka dalka iyo caqli galnimo , Wuxuu kaloo ka maran yahay masuuliyad Akhlaaqi ah iyo mid Wadaniyeed.

Arrinku maha mid sahlan oo ra’yi ka dhiibasho ku kooban ee waa arrin masiiri ah oo raadayn doonta aayaha Soomaalinimada, Waxay su’aashu tahay maalinta Sabtiga Baarlamaanku ma ka sugi doonaa Soomaalinimo? Ma ilaalin doonaa danta Dalka iyo Dareenka Shacabka? Dersi lama ilaawaan ma u dhigi doonaa Xukuumadda sidii uu yeelay maalintii doorashada ee 8 Febraayo? Ma xusuusin doonaan Madaxweyne Farmaajo in ay isagoo dadka ugu lacag yar, la leeyahay qabiilkiisa Madaxweyne ma noqon karo lagu doortay dareen Soomaalinimo sida uu sheegay Xildhibaan C/qaadir Baqdaadi? Waa su’aalo aan jawaabtooda Sabtiga dhowri doono.