Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Wafdi ka socda Bankiga Adduunka Xafiiskiisa ku qaabilay”Sawirro”

0
11

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka gaar ahaan Bella Bird, oo u qaabilsan Geeska Africa.
R/wasaare Khayre iyo Bella Bird, ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Bankiga Aduunka ka dhaxeeya, si loo helo iskaashi, loona gaaro horumaro kale duwan oo ballaaran.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo u qaabilsanaha Hay’adda Bankiga Adduunka ee Afrika Bella Bird,ayaa ka wada hadlay abuurista fursado shaqo iyo in dhalinyaradda Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo lagu kordhinayo khibradooda iyo in la baro xirfado ay ku shaqeystaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali qaloocoow, oo kulanka qeyb ka ahaa, ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga Bankiga Adduunka ka socday ee ay hoggaamineysay Bella Bird.

Wasiirka ayaa sheegay Bella Bird in ay aad uga hadashay sidii Bankiga aduunka uu ka qeyb uga qaadan lahaa gar gaarka shacabka Soomaaliyeed, shaqaaleysiinta Dhalinyarada iyo isbedelka Wasaaradda Maaliyadda.

“Madaxda Wold bank gaar ahaan gabadha qaabilsan Geeska Afrika, oo Soomaaliya ay ku jirto ayaan la kulannay, waxaan aad uga wada hadalnay Xiriirka ka dhaxeeye labada dhinac, waxay aad kaga hadashay Macaawinada Soomaaliya in ay la garab taagan yihiin iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo loo abuuro, tusaalaha ugu weyn waa Gobolka Banaadir oo Kun dhalinyaro ah Shaqo ay ka siiyaan” ayuu yiri Wasiir qaloocoow