KORONTADA IYO BIYAHA oo laga jartay Mas’uuliyiintii deganaa guriyaha Madaxtooyada ee amarkii Fahad Yaasiin ku guuri waayay

0
10

Warar caawa fiidkii Newsomali.com ka heshay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in korontada iyo biyaha laga jartay dadka degan qeyb ka mid ah Villa Soomaaliya ama Madaxtooyada ee u hoggaansami waayan amarkii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliya Fahad Yaasiin, oo amar ku bixiyay inay ka guuraan dadka degan Madaxtooyadda muddo 14 maalmood gudahooda.

Fahad Yaasiin ayaa ku saleeyay arinta ka guurista Madaxtooyadda inay tahay in la bilaabaayo dhismaha Madaxtooyada sidaasi awgeedna looga baahan yahay in laga guuro.

Hadaba goordhow ayaa mid ka mid ah dadka degan Madaxtooyada oo weliba ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqaale hore oo weli Madaxtooyada degan ayaa si kala gooni gooni ah noogu xaqiijiyay in la jaray korontada iyo biyaha.

Ilaa iyo hadda Maamulka Madaxtooyada kama hadlin arrinta korontada iyo biyaha loogu jaray mas’uuliyiinta halkaas deganaa.

Wixii ku soo kordha arrintan wararkeena dambe ayaa idinku soo gudbinaynaa