5 su’aal ha la weydiiyo C/kariim Xuseen Guuleed & Mahad Salaad [Qormo xaqiiqo raadin ah]

0
10

Heshiisyada ay Xukuumaddu sheegtay inay u cuskatay arrinta Qalbi Dhagax waxaa wax ka kala saxiixay madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyo wasiiru dawlihii madaxtooyada, Kadib markaan aqriyay heshiiska, isla markaana aan arkay jawaabihii ay ka bixiyeen heshiisyadaas waxaa igu dhashay su’aalahan.

1. Labada heshiisba waxay ku billaabanayaan magaca labada dal, waana sababta loo xushay inay xilal ka hayaan labada dal. Haddiiba Itoobiya u aqoonsan tahay inay Soomaaliya matalaan ma waxaa kala qurxoon in loo aqoonsado inay matalaan reerkooda oo C/kariim xitaa uusan wada matalin Galmudug? Mahad Salaadna madaxtooyadii qaranka? Sidoo kale wasiir Mursal maadaama uusan reer Galmudug ahayn yuu matalayay? Haddiise ay ku saxiixeen awood shakhsiyeed maxaa xilalka ay hayaan meesha loogu qoray?

2. Waxay sheegeen in heshiisyada aysan khuseynin maxaabiis is-dhaafsi. Qodobada 4 illaa 6 (heshiiska 2da May 2016) waxay sheegayaan in la wadaago xogta. Maxay tahay sababta xogta loo wadaagayo?

3. Wuxuu sheegay in heshiiskani khuseeyay Galmudug iyo arrimaha xuduudda. Haddii xitaa taas sideeda loo qaato sow jabhaduhu kama hawlgalaan xuduudaha, sida Galmudug. Tan kale Qalbidhagax meesha laga soo qabtay sow Galmudug ma aha?

4. Waxay labadoodaba sheegeen in ONLF ay u aqoonsan yihiin jabhad xaq-u-diri ah. Hadday sidaas sax tahay qodobka 3aad ee heshiiska uu saxiixay C/kariim iyo qodobka 2aad ee heshiiska uu saxiixay Mahad Salaad waxay ONLF (oo looga yaqaano Killilka UBO) ku tilmaamayaan argagixiso. Magaca UBO wuxuu la mid yahay magaca ay Nabadsugidda Soomaaliya u bixisay Shabaab ee UGUS.

5. Waxaa la yiri heshiiskaas lama marsiin baarlamaanka. Mas’uuliyadda in heshiisyadaas baarlamaanka la horgeeyo ma waxaa lahaa xukuumaddii hore ee saxiixday mise midda cusub?

Su’alaahaas ha nooga jawaabaan madaxdii hore, ka dib kuwa cusub aan weydiino dhankooda.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Email: raafac22@gmail.com