GOLAHA WASIIRADA oo taageeray go’aankii Qalbi Dhagax loogu wareejiyay Itoobiya

0
9

Shir deg deg ahaa oo Golaha Wasiirada uga socday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhow soo dhamaaday, iyadoo laga soo saaray go’aano

Shirkan oo ahaa mid deg deg ah oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid deg deg ahaa oo saaka la isugu yeeray Golaha Wasiirada.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay ansixiyeen go’aanka Xukuumadda ka qaadatay arrinta C/kariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Golaha Wasiirada ayaa la sheegay inay gacan taag ugu codeeyeen go’aanka dowladda ka qaadatay kiiskaas iyo inuu jiray heshiis hore, waxaana la sheegay inay jiraan Wasiiro ka aamusay iyo kuwa diiday go’aankaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in markii hore Golaha Wasiirada isku mari la’aa nooca uu noqon doono go’aanka iyo hadii ONLF loo aqoonsado Urur Argagixiso iyo in kale, waxaana ugu dambeyn ay isku raaceen go’aanka laga qaadanayo.4
Kulanka Wasiirada laga soo saarayo go’aan ku saabsan in Sarkaalka ONLF ka tirsanaa ee Qalbi dhagax uu halis ku ahaa ammaanka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.