GOLAHA WASIIRADA oo goodhow oo maanta ah go’aan ka qaadan doonan kiiska Qalbi Dhagax iyo Farmaajo oo go’aanka soo baxa kadibna isna Hadli doona

0
11

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo horumariyay isugu yeeray Golaha Wasiirada , waxaana la ii xaqiijiyay in Goluhu go’aan cad ka qaadan doonaan kiiska muranka badan dhaliyay ee Cabdikariin Qalbi Dhagax Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya, iyadoo la is weydiin doona Golaha Wasiirada arrintan Qalbi Dhagax markii hore ma lagala tashaday mise waxay u bareeri doonaan halis.

Ma cada go’aanka Xukuumadda qaadan doonto nooca uu noqon doono iyo eriyada la adeegsan doona hase yeeshe waxaa la ii sheegay markii aan la hadlay labo ka mid ah Golaha Wasiirada waxaa laga fursan waayay markii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre kulmeen ka jawaabista Go’aanka lagu dhiibay Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Wariyaha Newsomali ee Magaalada Muqdisho waxaa uu leeyahay go’aan kasta oo Xukuumadda qaadato waxaa xaqiiq ah inuu noqon doono halis loo bareeray oo mustaqbalka siyaasadeed saameyn ku yeelan kara.

Go’aanka marka Xukuumadda soo saarto ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo oo lahaa go’aankii lagu dhiibay Qalbi Dhagax isna soo saaro War saxaafadeed lagu taageerayo go’aanka Xukuumadda.

Shacabka Soomaaliyed, xubnaha labada aqal iyo Siyaasiyiinta madax banaan ayaa indhaha ku haaya waxaa ka soo bixi doona kulanka Golaha Wasiirada iyo eroyada diblomaasiyadeed ee ay adeegsan doonan.