CABDIKARIIN GUULEED oo u jawaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya

0
12

Kadib markii Golaha Wasiirada Soomaaliya taageeran in Cabdikariin Qalbi Dhagax loo dhiibay Itoobiya iyadoo loo cuskaday Heshiis horey u dhex maray Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ismaamulka soomaalida itoobiya ayaa waxaa hadaba ka jawaabay Cabdikariin Guuleed Madaxweynihii hore Galmudug .

NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY

Waxaa wax lala yaabo ah in Xukuumadda Soomaaliyeed qaladkii ay gashay ay rabto inay cuskiso kulana galgalato dad aan shaqo ku laheyn iyo in waliba qaladkii mid ka sii weyn oo sida muuqato lagu xalaaleynayo in dad kale oo nooc kasta ah lagu laayo laguna sii dhiibo, Haddaba maadaama aan ka mid ahay dadka magacooda lagu xusay Warmurtiyeedka Golaha Wasiirada Shirkoodii maanta waxaan halkaa ku cadeynayaa Arimaha soo socda
1. Ma jiro heshiis aan ku matalayey Dowladda Soomaaliyeed oo aan la galay Dowladda Itoobiya, anigu waxaan matayey Maamulkii aan Madaxda ka ahaa ee Galmudug, maadaama aan Maamulkaa matayeyna Dowladda Dhexe heshiis uma soo qaadin umana soo qaadi karin.
2. Heshiiskeeni waxuu ku saabsanaa Dajinta xasarad qabaa,il oo ka taagneyd xuduudda, ee marnaba kuma saabsaneyn:
A. Isweydaarsi Maxaabiis iyo isku gudbin Danbiilayaal toona.
B. In Ururka OLNF uu yahay Urur Argagaxiso waayo anigu Ururkaas uma aqaano uma aqoonsani Urur Argagaxiso ah sidoo kale Ururka OLNF uma aqaano UBBO ee waxaan u aqaana Urur u halgamaya Qadiyad uu leeyahay, urur kastana sax iyo qalad waa yeelan karaa.

Waxaa xusid mudan in markaan joognay Jigjiga aan mowqif wac iska taagnay arinka ah in heshiiska lagu daro in Ururka OLNF uu argagaxiso yahay.

Haddaba waxaan dhihi lahaa go,aanka Golaha Wasiirada iyo isku daygooda inay cuskiiyaan heshiiskaas waa NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY.