FARMAAJO IYO TEAM-KIISA OO ceebtii ka raacday Qalbi Dhagax doonaya inay dusha ka saaran Xubno meel ay ka soo galaan kiiskan aysan jirin

0
15

Madaxweyne Farmaajo iyo shaqaalihiisa Villa Soomaaliya ayaa ka shiray sidii ay ka yeeli lahaayan arrinta Abdikariin Qalbi Dhagax oo saameyn ku yeelatay Nolosha Farmaajo iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed.
Waxaa la ii sheegay in Farmaajo uu go’aansaday in dad uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid, Xildhibaan Dhuxulow iyo xubno kale dusha ka saaran arrinta Qalbi Dhagax oo lagu wareejiyay Itoobiya, haddii ay sidaas yeelan u qaaatay inay ka badbaadi doonaan in Madaxweynaha lagu soo oogo qiyaano qaran.

Sida aad ka war qabtaan Afhayeenka Aqalka Sare Cabdi Xaasi C/llaahi, Xildhibaan Ahmed Xaashi iyo Ex Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa Farmaajo u tagay kulana taliyay inuusan Abdikariin Qalbi Dhagax ku wareejin Itoobiya, wuuna iska dhegi tiray baaqa odayaashaas.

Markii uu ogaaday ama uu ka war helay in 87 Xildhibaan ay diyaariyan dacwad ka dhan ah Farmaajo oo ah qiyaano qaran ayuu go’aansaday in kiiska Qalbi Dhagax dad aan shaqo ku lahayn dusha ka saaro si uga badbaado in codka kalsoonada labada aqal loo qaado waa Farmaajo.

Team=ka Madaxtooyada ayaa mar kale ceeb dhexda ka istaajinaya Farmaajo maadama ay diyaariyan qorshe aysan ku qanci doonin umadda soomaaliyed kaas oo ah in Madaxweynaha uusan waxba ka ogeyn.

Madaxweynuhu caruur ma aha, waa ilaaliyaha sharciga dalka u yaala, laamaha amaankana isaga ayay hoos tagaan sidaas darteed wax isaga ogeyn dalka kama dhacaan.

Fudeedka iyo deg dega caan ayuu ku ahaa Farmaajo tan iyo markii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha dalka sidaas darteed ceebtiisa ma ah inuu qaado talaabo aan laga fiirsanin.