CAASIMADDA Online oo Qaladkii Farmaajo dalka ka galay dusha ka saartay dad aan arrintaas shaqo ku lahayn,

0
9

Villa Soomaaliya ayaa adeegsanaysa web site CAASIMADDA Online iyadoo ku daabacaysa qoraal lagu difaacayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isla markaana lagu qarinayo qaladkii weynaa ee Farmaajo galay kadib markii Itoobiya ku wareejiyay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaan jiray Ciidamadii Soomaaliya isla markaana haatan xubin ka ahaa Jabhada ONLF.

Qoraalkan oo daabacay CAASIMADDA Online ayaa guud ahaan laga soo qoray Villa Soomaaliya waxaana soo diyaariyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada sida muuqata Qoraalka Caasimadda daabacday ayaa meel loogu dhacay shaqsiyaad iyo Xildhibaano aan wax shaqo ah ku lahayn u dhiibista Itoobiya loo dhiibay Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Caasimada.com Xaqiiqda jirta umadda kama qarin karto, waxaa la ii sheegay markii Cabdikariin Qalbi Dhagax la soo qabtay Farmaajo inuu yiri Qalbi Dhagax waxaa uu la shaqeynayay Shabaab.

Dalka waxaa Madaxweyne ka ah Farmaajo, wax isaga ogeyn dalka kama dhacaan sidaas darteed qaladkan Farmaajo galay taariikhda Madow ee Soomaaliya ayuu qeyb ka yahay.

Milkiilaha Caasimada Oline oo had iyo jeer dhaleeceyn jiray Xasan Sheekh Maxamud markii uu talada haayay ayaa haatan ku caan baxay taageerada Farmaajo isagoo siistay lacag yar oo bishii loogu qoray Villa Soomaaliya.

Qoyska Qalbi Dhagax, Xildhibaanada Qaranka iyo cid kasta oo Soomaaliyed ayaa ku dhaliilaysa Farmaajo qaladkan dalka, Diinta iyo dadka ka galay sidaas darteed qoraal been abuur ah oo Caasimada Online faafisay ma bedeli karo aragtida guud ee dadka soomaaliyed.

Caasimada waxay dhacdadan ku luminaysaa taageerayaal fara badan oo ay qabtay, waxayna qeyb ka tahay qolyaha qiyaanada qaran galay ee qof soomaaliyed u dhiibay Itoobiya.