BANNAANBAX lagu taageerayo Qalbi Dhagax laguna Cambaareynayo Farmaajo ayaa ka dhacay Muqdisho, Sawirada

0
33

Bannaanbax looga horjeedo dhiibista sarkaalka ONLF ee C/kariin Qalbi dhagax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.Bannaanbax ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyn ay ka mid yihiin Qoyska dhibane C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), iyadoo lagu cambaareynayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dadweyne Careysan oo ay ku jireen caruurta Qalba Dhagax iyo mid ka mid ah xaasaskiisa oo lagu magacaabo Xamdi Maxamed Cabdi ayaa si qiireysan ugu hadashay habka loogu gacan geliyay ninkeeda Itoobiya.