XOG CUSUB:Fahad Yaasiin oo gacan ka geystay qaabkii Qalbi Dhagax lagu keenay Muqdisho iyo Ujeedada uu isaga ka lahaa, ONLF oo 4 Magaca soo saartay kuwaas oo Qalbi Dhagax Itoobiya u gacan geliyay

0
12

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji uu bixiyay amarka Qalbi dhagax lagu keenay magaalada Muqdisho kadib markii lagu xiray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Fahad Yaasiin oo kaashanayay Taliyaha Nabad sugidda qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa markii hore si weyn uga shaqeeyay in Qalbi dhagax la keeno Magaalada Muqdisho iyagoo markaas ka cararayay in Maamulka Galmudug u gacan geliyaan Itoobiya oo ku sumcad yeeshan, waxayna doonayan in iyaga sumcad iyo kalsooni kaga raadsadaan Itoobiya.

Ururka ONLF ayaa ku celceliyay in madax iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka yihiin in sarkaal ka tirsan loo gacan geliyo dowladda Itoobiya.
Afhayeenka ururkaasi Cabdiqadir Shekh Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa wareysiyo kala duwan oo uu warbaahinta siiyay wuxuu qorshaha C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) loogu gacan geliyay Itoobiya ku sheegay inay mas’uuliyadiisa ay qaadayaan, mas’uuliyiinta kala ah:
1 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

2 – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre

3 – Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

4 – La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe)

Afhayeenka ayaa wareysi kale oo uu bixiyay ku sheegay in kiiska gacan gelinta Qalbi dhagax ay ka dambeeyeen afarta mas’uul ee sare ku xusan iyo xubno kale oo ka shaqeeyay kiiskiisa.

Arrimahan oo dhan waxay imaanayaan iyadoo dowladda Federaalka ay ka aamustay ka hadalka kiiska Qalni dhagax iyo qaabka ay Itoobiya ugu gacan gelisay, taasoo keentay inay sii kordhaan wararka la isla dhex marayo iyo kacdoonka shacabka ee arrintan ay ka dhalisay baraha bulshada.