FARMAAJO oo itoobiya ka sugaya Jawaab iyo Itoobiya oo u ballan qaaday in C/kariin Qalbidhagax Video ka soo duubi doonta, Maxaabiis laga hadal siiyay Xor ma yahay mise?

0
12

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weli wax jawaab ah ka helin Xukuumadda Itoobiya kuna saabsan inay soo bandhigto Muuqaal laga soo duubay C/kariin Qalbidhagax oo maalmo ka hor Dowladda Soomaaliya u gudbisay isagoo lugaha iyo gacamaha ka xiran Itoobiya.
Muuqaalkan cusub ee Farmaajo iyo Kaaliyaashiisa gacan ku siiyay in Itoobiya lagu wareejiyo C/kariin Qalbidhagax ayaa ah muuqaal loogu talagalay in dadka soomaaliyed ee dareenkooda kacsan lagu dejiyo isla markaana C/kariin Qalbidhagax laga hadal siiyo, in kastoo ay adag tahay sida loogu kalsoonaado Maxaabuus jeel adag ku jira hadal laga soo duubay inuu u madax banaan yahay iyo in lagu qasbay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaatay inay jawaab siiso dadkeeda kuna aadan sida ku dhacday in C/kariin Qalbidhagax loo gacan geliyo Dowladda Itoobiya.
Habeenkii xalay ahaa Taliyaha Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa la ii sheegay inuu la hadlay Madaxa Sirdoonka Itoobiya waxayna ka wada hadleen sida loo wajahi karo xaalad adag ee soo wajahday Dowladda Soomaaliya.

Haddii ay dhacdo in Itoobiya ka hadal siiso C/kariin Qalbidhagax kana soo duubto Muuqaal ayaa wax badan ka bedeli doonin aragtida dadka soomaaliyed sababto ah Dalsoor ayaa soo bandhigtay C/kariin Qalbidhagax oo lugaha iyo gacamaha ka xiran taas oo muujinaysa ama cadeyn u tahay in C/kariin Qalbidhagax la afduubtay kadibna lagu wareejiyay Itoobiya, Muuqaalka Dalsoor ayaa meesha ka saaraya wararkii maalmahan faafinaysay Villa Soomaaliya ee ahaa in C/kariin Qalbidhagax iskiisa isku soo dhiibay.