FARMAAJO oo dhaqaale ku bixinaya ololaha lagu difaacayo Siyaasadiisa fashilantay, Haddii maanta laga hadal siiyay odayaasha Muqdisho qaarkood, Salaad Cali Jeelle, Dahir Aamin Jeesow-na la yeeshay waxaa haatan socda abaabulka banaanbax iyo iibsiga Xildhibaano

0
23

Olole dhaqaale lagu bixiyay oo lagu difaacayo Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka socda mid ka mid ah Hotelada Magaalada Muqdisho, iyadoo abaabulka socda dhowr weji u kala qeybsan yahay.
Teamka Villa Soomaaliya iyo xubno kale ee Xukuumadda ka socda ayaa wada olole lagu badbaadinayo mustaqbalka Siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo kaas oo u muuqda mid mugdi sii galayo isla markaana luminayo kalsoonada shacabka ku qabeen.

Maanta waxaa laga hadal siiyay odayaasha Muqdisho sida Nabadoonnada Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad oo la ii sheegay in la siiyay lacago laaluush ah waxayna dadka ugu baaqeen inay ka war sugaan jawaabta dowladda ee arrinta ku saabsan muwaadinka la sheegay in loo dhiibay Dowladda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa laga hadal siiyay Salaad Cali Jeelle oo isna dhaqaale lagu siiyay inuu Xukuumadda iyo Madaxweyne Farmaajo difaaco.
Waxaa socda abaabulka banaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo isla markaana lagu diidan yahay dhaliilaha faraha badan ee loo jeedinayo Farmaajo kuwaas oo ay ka mid yihiin in Farmaajo bixiyay amarka Itoobiya loogu gacan geliyay Cabdikariin Qalbi Dhagax, banaanbaxaas ayaa waxaa uu ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada dhinac Farmaajo ku biiray waxaa ka mid ah Xildhibaan Dahir Aamin Jeesow oo balan qaad siyaasadeed iyo mid dhaqaale la siiyay.
Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, Xildhibaano ku dhow Villa Soomaaliya iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa wada dhaqdhaqaaqyo aad u xoog badan oo Social Media ha iyo qalabka warbaahinta waxayna ku dadaalayan inay dib u soo celiyan kalsoonadii Shacabka Soomaaliyed ku qabeen Dowladda Farmaajo.

Sumcada Farmaajo ayaa dhulka gashay markii uu Itoobiya u gacan geliyay Cabdikariin Qalbi Dhagax oo horey uga mid ahaa Ciidamadii Soomaaliya isla markaana haatan xubin ka ahaa ONLF.

Ka hor inta uusan qabsoomin kulanka Baarlamaanka 6 da bisha ayaa Farmaajo iyo Teamkiisa waxay ku dadaalayan inay dhaqaale ku kala dilaan xubnaha labada Gole.