ITOOBIYA oo dishay Siyaasaddii Farmaajo iyo Sanbalooshe oo noqday Buundada Adis ababa u martay burburinta iyo kala qeybinta Farmaajo iyo Dadka Soomaaliya iyo Kaalinta Gen Bashiir Goobe

0
17

Dowladda Itoobiya ayaa ku guuleysatay inay kala qeybiso dadka Soomaaliyed gaar ahaan dadkii sida aadka ah u taageersanaa Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoo Itoobiya wax badan ku qaadan inay sumcada ka disho Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
95% dadka Soomaaliyed ayaa kalsoonidii kala laabtay Madaxweyne Farmaajo oo had iyo jeer ku doodi jiray inuu wadani yahay isla markaana maalmihii koowaad xafiiska uu joogay iska ilaalin jiray Siyaasadaha Itoobiya.

Haatan Farmaajo oo isku dhiibay Itoobiya ayaa u muuqda mid lumiyay taageerada dadka soomaaliyed,sababta ugu weyn waxay tahay isagoo Itoobiya u gacan geliyay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

Villa Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo maanta wareejinaysay maqaal uu qoray mid ka mid ah Wargesyada Mareykanka oo soo xiganayay AP wakaalada wararka kaas oo sheegay In Qalbi Dhagax iskiisa isu soo dhiibay hase yeeshe waxaa hadalkaas ka horeeyay Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia oo wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

Dadka ka faalooda Siyaasadda Soomaaliya waxay sheegayan in Farmaajo uu lumiyay kalsoonadii Shacabka ku qabeen waxay sheegayan inuu haatan ka fikirayo habkii uu sumcadiisa ku soo ceshan lahaa isagoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Telefoonka kula hadlay si xaalada taagan loo damiyo.

Dhacdadaan oo sidoo kale ugub ku ah Magaalada Muqdisho oo aheyd hoyga iyo gabaadka qofka Soomaaliga ah, Waxaana dhamaanteen wada xusuusana in dhacdadaan oo kale ay Salfatay Raggii Hogaamiye Kooxeedyada ahaa ee Muqdisho ka arimin jiray kadib karkii ay isku dayeen in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay Ajnabi u gacan galiyaan, taas oo ay Reer Muqdisho ka gilgishsheen kana dhiidhiyeen, kacdoon bulsho oo arinkaas ka dhashayna Hogaamiye Kooxeedyadii magaalada looga saaray.

Itoobiya ayaa waxay u adeegsatay Farmaajo si ay u fashiliso Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Sanbalooshe iyo Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Gen Bashiir Goobe oo gacan ka geystay sidii Farmaajo looga dhaadhicin lahaa in Cabdikariin Qalbi Dhagax loogu gacan gelin lahaa Itoobiya.

Itoobiya ayaa 100 kii sano ugu dambeysay waxay ka shaqeynaysay inay soomaaliya burburiso, haba ugu sii darnaate 27 sano dalka burburka ka taagnaa oo saameyn ballaaran ku yeelatay siyaasadda dalka .