BANAANBAX lagu diidan yahay Dowladda Federaalka laguna taageerayay Qalbi Dhagax ayaa ka dhacay Kismaayo laakiin Ciidamada amaanka ayaa kala eriyay dadkii

0
19

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay bannaanbax lagu diidan yahay sarkaalka ONLF ka tirsanaa ee dowladda Soomaaliya u dhoofisay Itoobiya.
Bannaanbaxa oo iskiis u bilowday ayna wadeen dad ka careysan in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u gacan geliso C/kariin Sheekh Muuse (Qalb-dhagax) ayaa waxaa kala eryay ciidamada ammaanka maamuka Jubba.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ciidamada awood kala hortageen bannaanbaxa intii aanu xoogeysan iyadoo qabqabtay ilaa 40 qof oo xabsiga loo taxaabay qaarkoodna la jir dilay.

Maamulka Jubba ayaa wararka qaar sheegayaan inuu qeyb ku lahaa dhoofinta sarkaalka Qalbi dhagax, waxaana uu xiriir soke la leeyahay Itoobiya.