VILLA SOOMAALIYA oo dhaqaale ku bixinaysa war Asluubeysan oo Dowladda Itoobiya ku difaacaysa Sharafta Farmaajo iyo Maamulkiisa ceebeysan, Itoobiya isma war hayso waa kala hadlaysa, ha ku sirmin Warbixinta beenta ah ee Washington Post qortay ee Itoobiyanka bixiyan

0
31

Itoobiya ayaa doonaysa inay culeyska Siyaasadeed iyo naceybka shacabka ee soo wajahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xukuumadda Soomaaliya ka yareyso si taa loo dhaqan geliyana Saraal u hadlay Itoobiya ayaa C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jabhadda ONLF ku tilmaamay nin isku soo dhiibay Xukuumadda Itoobiya sidaas darteedna dowladda Farmaajo gacan ka geystay.

Sida ay qortay Washington Post, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Meles Alem ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalin fududeyn ah kaliya ku lahayd isa soo dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse.HALKAN KA AQRISO WARBIXINTA BEENTA AH EE LA FAAFINAYO CAAWA

Linksa Washington Post ayaa caawa Villa Soomaaliya qeybinaysay sidoo kalena qaar ka mid ah Saxaafadda Soomaalida ayaa lacag lagu siiyay si ay been abuurkaas u faafiyan.

Intiina la socotay sheekada Qalbi dhagax waxay ka soo bilaabatay Magaalada Gaalkacyo qof kastana wuu og yahay wixii ka dhacay Gaalkacyo halka Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya kiiska Qalb Dhagax ku tilmaamay mid xasaasi ah oo waqtigeeda laga hadli doono.

Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

DHAGEYSO WARBIXINTA

Hadaba Saraakiisha Farmaajo ayaa caawa fiidkii bilaabay inay baraha bushada iyo Saxaafadda u adeegsadan qoraalka Washington Post ka soo xigatay Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo uusan ka war haynin in Wareysi cod ah laga haayo Wasiirka Warfaafinta Itoobiya.

NIMANKII WADANKA IYO DADKA SOOMAALIYED QIYAANADA KA GALAY AYAA markii ay arkeen in shacabka kacay waxay la hadleen itoobiya waxayna ku yiraahdan na badbaadiya xaalada ayaa nagu xun sidaas darteed Itoobiya ayaa sarkaal darajadiisa hooseysa u dirtay wargeyskaas ka soo baxa Mareykanka kuna qoray warkaas raqiiska ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa arrinta Qalbi Dhagax waxaa kala shaqeeyay Taliyaha Nabad sugidda Sanbalooshe, Lataliyihiisa Gen Bashiir Goobe, Cabdi Cali Raage oo lataliye u ah Ahmed Madoobe Jubbuland, waxayna Diyaarad ka saaran Qalbi Dhagax Magaalada Muqdisho kadibna waxay geeyan Baydhabo halkaas oo Itoobiya loogu sii gudbiyay.

Kiiska Qalbi Dhagax ayaa sumcad xumo iyo fadeexad ku abuuray Farmaajo wuxuuna lumiyay taageerada dadweynaha soomaaliya, waxaana haatan culeys siyaasadeed ka soo wajahay Labada aqal iyo Siyaasiyiinta ka madax banaan xukuumadda.