Raila Odinga oo soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda

0
57

Wax badan kuma qaadan hoggaamiyaha mucaaradka kenya  Raila Odinga inuu soo dhaweeyo go’aankii Maxkamada Sare kenya ku kacsashay natiijada doorashada dalkaas oo Uhuru ku guuleystay bishii hore.

“Waa go’aankii ugu horeeyay ee noocan ah ee Afrika laga arko” ayuu yiri Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya oo dacwada maxkamadda ku guuleystay.

Raila ayaa hadda dhahay waxaan dacweyneynaa guddiga doorashada ee IEBC.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in IEBC aysan u qaban doorashada si waafaqsan dastuurka Kenya.

Doorashada xilka madaxweynaha ee Kenya ayaa lagu qaban doonaa laba bilood gudahood.

Maxkamadda Sare ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadaasi.

Laakiin qaar ka mid ah qareenadii u doodayay madaxweyne Uhuru Kenayatta ayaa sheegay inaysan ku qancin go’aanka maxkamadda sare.

Waxaa dabaaldegyo billaabay taageerayaasha mucaaradka, sida ka muuqato sawirrada hoose.