MAHAD SALAAD”Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa ka hor istaagay in afhayeenka aqalka Sare, Cabdi Xaashi,Senator Ahmed Xaashi Mohamud iyo Xildhibaan hore Mohamed Abdi Yusuf inay soo arkaan Qalbi Dhagax intan Itoobiya loo gacan gelin””

0
14

Mid ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee had iyo jeer dhaliila Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ka hor istaagan Guddoomiyaha aqalka Sare, Xildhibaan Aqalka Sare iyo Ex Xildhibaan Maxamed Yuusuf inay soo arkaan Qalbi Dhagax inta aan Itoobiya loo dhiiban, hadaba hadalkii Xildhibaanka ku soo qoray bartiisa facebooka sidan ayuu ahaa.

MUDANE MADAXWEYNE IYO MUDANE RA’IISUL WASAARE Soomaalidu waa ka gudubtay xiligii dacaayadaha lagu marin habaabin jiray!

Waxaa igu maqaalo ah shalay ilaa maanta in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ka baryayeen Dowlada Itoobiya inay soo saarto warsaxaafadeed ay ku sheegayso in Abdikariim Qalbi Dhagax isku soo dhiibay heshiis dhex maray isaga iyo Dowlada Itoobiya. Dowlada Soomaaliyana ay fududeysay oo kaliya! Hadaba waxaa iga su’aal ah:

1. Abdikariim Qalbi Dhagax 3 sano ayuu joogay Mogadishu ee muxuu iskugu dhiibi waayay Dowlada Itoobiya?!

2. Abdikariim Qalbi Dhagax hadii uu xor ahaa maxay Gaalkacyo uga soo afduubteen oo isagu rabitaan kiisa ugu imaan waayay Magaalada Mogadishu oo markii hore uu ka tagay, rabitaan kiisana uga bixi waayay?!

3. Abdikariim Qalbi Dhagax haduu xor ahaa isaga rabitaan kiisana isku dhiibay maxay uga diideen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, mas’uuliyiintii ugu tagay ee ka codsaday inay soo arkaan, ayna kamidka ahaayeen: Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Xaashi Abdullahi, Senator Ahmed Xaashi Mohamud iyo Xildhibaan hore Mohamed Abdi Yusuf?!

4. Wareysigii Wasiirka Warfaafinta Itoobiya shalay siiyay VOA wuxuu ku sheegay in ninkaas oo katirsan “Urur Argagixiso ah” ay usoo gacan gelisay Dowlada Soomaaliya. Hadii rabitaankiisa uu isku soo dhiibay Qalbi Dhagax muxuu Wasiirku u sheegi waayay shalay?!

5. Ururkii uu ka tirsanaa Abdikariim Qalbi Dhagax waxay sheegeen in Dowlada Soomaaliya soo afduubtay si xoog ahna ugu dhiibtay Dowlada Itoobiya. Hadii sheegashada ONLF midka gedisan Dowlada Soomaaliya heyso maxay mar hore ula wadaagi weysay Umadda Soomaaliyeed?!

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ka rajeynaynaa inay Umadda Soomaaliyeed ee xadgudubta lagula kacay Qalbi Dhagax ay taabatay la wadaagaan jawaabaha su’alahaan iyo kuwa kale oo badan ee Dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan!

Hon. Mahad Salad