FAARAX MACALIN oo ka shalaayay taageeradii uu taageeray Farmaajo iyo Xasan Kheyre

0
12

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka kenya Faarax Macalin ayaa ka qoomameeyay taageeradii uu taageeray Madaxda Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

“Allah maxaa si qaldan u aqriyay shaqsiyada Farmaajo iyo Kheyre, waxaan ka raali gelinayaa shacabka Soomaaliyed, waana riyo kale oo luntay” ayuu yiri Faarax Macalin oo lagu yaqaano qof aan hadalada la gaban oo si cad wuxuu doona u sheega.

Hadalka Faarax Macalin ayaa waxaa uu daba socday markii Madaxda Soomaaliya iyo Laanta Sirdoonka Soomaaliya iska kaashadeen in Itoobiya lagu wareejiyo Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.