25 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Duleedka magaalada Jowhar

0
8

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegayaa 25 qof ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaan duleedka ka h magaalada Jowhar.

Shilkan gaari ayaa yimid markii ay isku dheceen labo gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu wadey 100 neef oo ari ah, waxaana halkaasi ku burburey baabuurkii ay shacabku saarnaayeen, kaasi oo dhaliyay dhaawaca ilaa 25 qof.

Goobjoogayaal  ayaa sheegay in deegaanka uu shilkaasi ka dhacay lagu magacaabo Crash Program oo qayaas ahaantii 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada Jowhar, waxaan dhaawacyadaasi oo isugu jira 21 rag ah oo darawalkii gaariga uu kujiro iyo 4 haweeen ah loo qaaday isbitalka magaaladaasi.

Dhaawacyadaasi ayaa markii dambe waxaa loo soo qaaday isbitaalada Magaalaad Muqdisho, kadib markii xaaladooda wax looga qaban waayay magaalada Jowhar.