ONLF oo ku eedeysay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre inay ka dambeeyan ku wareejintii Itoobiya Cabdikarin Sh Muuse

0
14

Jabhada ONLF ayaa soo saartay qoraal ay ugaga hadlayaan ku wareejinta dowlada Ethiopia sarkaal ka tirsanaa jabhadda ONLF Cabdikarin Sheekh Muuse.

ONLF ayaa ku eedeysay dowlada Soomaaliya u gacan gelinta dowlada Ethiopia Cabdikarin Sheekh Muuse dowlada Ethiopia iyadoo ku sheegtay in lagu tuntay dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ay soo saartay ONLF ayaa lagu sheegay in Cabdikarin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu muddo saddex sano ah degenaa magaalada Muqdisho balse uu u tegey magaalada Gaalkacyo in uu magaalada Muqdisho keeno wiil ku xanuunsanayay Gaalkacyo kaasoo uu adeer u ahaa.

“Madaxweynaha, ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Ethiopia ayaa ka shaqeeyay qorshaha lagu soo qabtay isla markaana loogu gacan geliyay dowlada Ethiopia Qalbi Dhagax.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay ONLF.

Illaa iyo hadda dowlada Federalka ma beeneyn mana xaqiijin u gacan gelinta sarkaalkan ka tirsanaa ONLF dowlada Ethiopia.