allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAL BEEC AH IYO DADKIISOO GAAJEESAN-MAQAAL

Burburkii dowladii dhexe ee Soomaliya waxaa laga joogaa muddo ka badan 27 sano. Intaa wixii ka dambeeyey Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan. Dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, kala qeybsanaan, abaaro is daba jooga iyo xag jirnimo xambaarsan fikrado diinteena ka baxsan. Hase ahaatee shacabka Soomaliyeed waa ka badbaadey masiibooyinkaas is dabajoogey. Maanta, Soomaaliya waxaa ka jira dowlado is bar bar yaacaya oo aan lehayn siyaasad, aragti iyo dhaqaale mideeysan. Taasoo dhaxalkeedu noqday in masuuliyiintii madaxda ka ahaa dowladahaas ay BEECIYAAN kaabayaashii dhaqaalaha ee ummadu laheyd. Iyagoo heshiisyo la gelaya dowlado shisheeye oo dano dhaqaale iyo siyaasadeed oo qoto dheer ka leh Somaliya.

Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyaa in Soomaaliya ay tahay wadanka kaliya oo leh 4 dekadood oo caalami ah (Barbera, Somaliland, Bosasso, Mogadishu iyo Kismayo). Tussale ahaan, dalka Kenya oo ah midka ugu dhaqaalaha badan Africada bari wuxuu leeyahay hal dekad oo kali ah( Mombasa Port). Waxaad dhowaan maqleyseen qaylo dhaanta iyo cabashada shacabka Somaliland iyo Puntland. Waxaa ka sii horeeyey kuwa shacabka Muqdisho, iyo kuwa JubbaLand. Hadaba waxaa is weydiin mudan:

Maxaa keenay in ilihii dhaqaalaha ay gacanta u galaan shirkado shisheeye?
Maxaa keenay in aan maamuli weyno kaabayashii halbowlaha u ahaa dhaqaalaha dalkeena?
Yaa faa’iido ku qaba heshiisyadaan lala galay shirkadaha shisheeye? yaase ku dulman?

Oraah soomaliyeed ayaa oraneysa “ HAL BOOLI AHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO” hadii aan awoodiweyney in aan maamulno ilaheena dhaqaale mala xisaabtimi karnaa shirkadaha shisheeye oo salka ku haya wadamo dhaqaale badan heysta. Jawaabtu waa maya. Waxaa hubaal ah in heshiisyadaas lagu khiyaameeyey shacabka Somaaliyeed ayadoo ay dan gaar ah ugu jirto shaqsiyaad raba in ay maal ka cootaan iyaga iyo caa’iladoodu. Inta badan waa yartahay waxa laga ogyahey qodobada lagu hisheeyey. Waxaa ayaan daro ah in golayashii shacabka ee la xisaabtami lahaa madaxdaas xaqdarada u bareeray ay jeebka ugu jiraan. Waxaan oran karnaa, Somalidu ma maamuliwaayin kaabayaasha dhaqaalahooda iyo hantidooda ee waxaa laga hormariyey dano gaar ah oo ku saleysan dhac, boob iyo musuq maasuq. hadii aad eegto dadka maanta tallada wadanka haya waxey kakala yimaadeen ama degan yihiin wadama shisheeye sidaas darted waxaa cad in aysan u naxeyn shacabka gaajada la daalaa dhacaya. Waxaa ka go’an in ay jeebabka buuxsadaan inta aan waqtigoodu dhamaan.

Sida aad wada ogtihiin, wadamada ay ka soo jeedaan shirkadaha la wareegay dekadaheena iyo madaaradeena waxay wataan dano u gaar ah. Turkuyiintu waxay rabaan in ay shaqo iyo suuq ganacsi u abuuraan ganacsatadooda gacan saarka la leh xukuumada talada heysa. Imaaraadku wuxuu wataa siyaasad qoto dheer oo dhaqaale iyo siyaasad ku saleysan siyaasadaha cusub ee gumeysiga dhaqaalaha (New Colonial Imperialism). Imaaradku wuxuu leeyahay Dekado caalami ah sidaas darteed wuxuu rabaa in uu ka hortago in Soomaalidu badeecadaheeda aysan ka weecin Dubia. Waxayna u tafaxeyteen in shixnad kasta oo Soomaliya u socota ay soo marto Dekada Jabil Ali kadibna loo soo gudbiyo (Trans-shipment) Barbara, Bosasso iyo koonfurta Somaliya iyadoo la isticmaalayo maraakib yar yar (Small Feeder Ships). iyadoo gundhigeedu yahay in aan maraakiibta waaweyn aysan toos u aadin Dekadaha Soomaalia. Waqtiyadaan dambe Imaaraka waxaa khatar ku hayey dekadaha Doraale, Djibouti iyo Salala, Oman. Iyadoo dowlada Djibouti dhawaan ka baxday heshiiski ay la gashay shirkada Dubia World (DW) lana xiratay mid shiino ah. Dhinaca kale, Kismayo waxay ku jirtaa xaalad ka kacakiran kuwaan hore u soo sheegnay. Madaarka iyo dekadaba waxaa maamula oo saami lacageed ka qaata ciidamada Kenya iyadoon wax heshiis ah waafaqsaneyn. Waxaa kale oo ku gaaf wareegaya labada shirkadood ee xalaaleystay wadanka dekadihiisa kale ( Imaaraaka iyo Turkiyeenta).

Dad badan waxey is weydiinayaan maxey Somalidu uga bixi la’dahay dowlad xumida (Fail State)? Waxaan dhihi karnaa waxaa sabab u ah Hogaan xumo daneysi gaar ah ku saleysan (Greedy Politicians), qabyaalad iyo musuq maasuq. Wadan waxaa dhisa dadkiisa. Waxaan dowlad wanaag heli karnaa markaan tixgelino cabashada muruq maalka Barbara, qeyla dhaanta waxgaradka Puntland, iyo ganacsatada reer Muqdisho. Shacabka Soomaliyeed, waa iney ka dhiidhiyaan gumeysiga cusub ee dhaqaalaha. Waa in ay la xisaabtamaan madaxda ku takrifaleysa hantida shacabkeena, waa in ay la yimaadaan wadan jaceyl oo qof kasta dantiisa shaqsiyeed uu ka hormarinayo danta guud ee dalka. waxaan barwaaqo iyo badhaadhe gaari karnaa markaan ku talaabsano dowlad wanaag cadaalad xambaarsan.

Nabad iyo baraadhe

Waxaa qoray: Ahmed Hundubey
Hundubey.bashir@gmail.com

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 25 2017. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented