allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Kenya oo go’aansatay duqeynta goobo Al Shabaab ku sugan yihiin

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday go’aan ah inay duqeyneyso goobo ay ku sugan yihiin Al Shabaab oo ku yaala gudaha dalka Kenya iyo deegaano dhaca dhanka xuduuda.

Ciidamada Difaaca Dalka kenya ee loo yaqaan KDF ayaa La Filayaa in ay Bilaabaan duqeyn Xoogan oo ka Dhan ah Dagaal yahanada Al-Shabaab ee Ku sugan Keynta Boni ee ismaamul Goboleedka Lamu.

Howlgalkaan ayaa La sheegay in uu ahaan Doono Mid Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay Bambooyin ku Garaaci Doonaan Gudaha Keynta sida uu sheegay Agaasinka Dhanka Howlgalada ee Keynta Boni Joseph Kanyiri.

Sargaalkaan oo Warfidiyeenada kula Hadlay ismaamulka Lamu ayaa Ugu Baaqay Dadka shacabka ah Gaar ahaan Xoola Dhaqatada in ay Ka Fogaadaan Goobaha Gaar ahaan Agagaarka Keynta.

Mr Kinyiri ayaa sheegay in shacabka Laga Doonayo in 48 Saac ee soo aadan ay shacabka Kaga Fogaadaan Aagaasi Waxaa Isagoo intaa Raaciyay Cidii aan Qaadan Awaamiirtaas ay ula Macaamili Doonaan Sida Argagixsada.

Xoolo Dhaqato Badan oo Ku Nool ismaamulka Lamu ayaa Maalin Walba waxaa ay Daaq ugu Raadsadaan Gudaha Keynta Waxaana Marar Badan Saraakiisha Amaanka ay uga Digeen in Goobahaas Laga Fogaado.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented