allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Aqalka Sare oo u yeeray Wasiirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Soomaaliya

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u yeeray wasiirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku saabsan xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle, waxaana maanta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka tegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan, iyadoo warbixin ka bixinaya socdaalkoodii magaalada Jowhar.

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare oo uu wehliyo Guddoomiyaha Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa wasiirada tegay magaalada Jowhar ka dhageystay warbxiintooda ku saabsan xaaladda maamulka Hirshabeelle.

Kulanka oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolaan ayaa goor dhow soo dhammaaday, waxaana la filayaa in Dowladda Soomaaliya ay war kasoo saarto xaaladda ka taagan Hirshabeelle.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented