allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Maxay tahay caqabahaha hor taagan doorasho ka dhacdo Soomaaliya 2021 ?

Guddiga doorashooyinka dalka ayaa shalay markii labaad hortagay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo u gudbiyay warbixino la xiriira waxyaabaha u qabsoomay afar bil kadib.
Guddiga doorashooyinka ee madaxa banaan ayaa sheegay iney jiraan caqabado badan oo heystay guddiga, waxaana ugu horeeyo amaanka, dhaqaalaha iyo wax ka badalida dastuurka dalka Soomaaliya.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Xaliimo Yareey, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka ayaa u sheegay xildhibaanada aqalka sare in looga baahan yahay baarlamaanka labadan aqal in ka hor December 2018 ay usoo gudbiyaan Dastuurka dalka oo wax laga badalay.

Sidoo kale guddiga ayaa warbixin ay soo saareen waxay kusoo bandhigeen wax walbaa oo hortaagan doorashada iyo xiliga ay haboon tahay in laga gudbaa.

Xaliimo Yareey, ayaa sheegtay in arinta doorashada ay tahay masuuliyad wadareed saaran qof kastaa oo xil ka hayo dowladda Soomaaliya, waxayna si gaar ah u sheegtay inay masuuliyadaasi u saaran tahay, guddigooda, xildhibaanada iyo madaxda madasha wadatashiga qaran.

Guddomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa isagana wuxuu goobta ka sheegay inay dadaal kastaa ay sameyn doonaan, laakiin aysan guuleysan doonin haddii aysan taageero ka helin cid walbaa oo arintan door ku yeelan karta.

Wasaaradaha amaanka, arimaha gudaha iyo qorsheynta ayaa la doonayaa inay kaalin weyn ka ciyaaraan doorashada dalka ka dhaceyso.

Waa noocee doorashada dhaceyso 2020?

Guddiga doorashooyinka dalka ayaa sheegay in nooca ay noqon doonto doorashada dalka ay isku raaci doonaan dhamaan xildhibaanada labada aqal, madaxda wadatashiga iyo masuuliyiinta dowladda, iyagana ay soo gudbin doonaan kuwa ugu wanaagsan ee dalkaan laga qaban karo.

Ugu dambeyn guddiga ayaa codsaday in kama dambeyn 2019 ay diyaar ahaadaan, dastuurka oo wax ka badal lagu sameeyay, miisaaniyadda guddiga ku shaqeynayo iyo amaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhici doonaan.

December 2020 ayaa qorshaha uu yahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented