allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

C/raxmaan Faroole oo iska casilay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanka aqalka Sare C/raxmaan Faroole oo ka soo jeeda degaanka Puntland ayaa la sheegay inuu iska casilay ka mid ahaanshaha Guddiga Dastuurka sida ay ku soo waramayan ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Faroole ayaa la sheegay inuu ka baxay Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay arrintan ka dambeysay kadib markii looga guuleystay xilka guddoomiyaha Guddiga.

Ma cadda sababta uu isaga casilay xubinnimada guddiga Dastuurka hase yeeshe waxaa jiray warar hoose oo sheegayay inuu ka bixi doono Aqalka sare haddii aan loo dooran xilka guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Baarlamaanka, waxaana xilkaasi ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Aqalka Sare oo maanta kulan yeeshay ayaa sheegay in si degdeg ah loo buuxin doono kursigii uu banneeyay C/raxmaan Faroole oo hore, kaasoo aqalka sare dooran doono 15-ka Bishan August.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 12 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented